Karaash oo la kulmay Guddiyada Maalgashiga iyo Aminga Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay guddiga qaban-qaabada shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga.

Markii uu shirku soo dhamaadey, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa wuxuu warbaahinta u mariyey qodobada ay falan-qeeyeen.

“Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga; waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo iyo wixii ka dambeeyaba".

Madasha Maalgashiga Puntland oo dhowaan bilaabaneysa ayaa waxaa kasoo qeybgalaya maalgeshato caalami ah, kuwaasi oo loosoo bandhigi doono fursadaha ka jira degaanada maamulkan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in la isla qaatey adkeynta amniga inta uu shirku socdo iyo xaqiijinta badqabka martida kasoo qeybgeli doonta shirkaas.

"Guddigu waxa uu ka warbixiyey diyaar-garawgu meesha uu marayo, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaa laga hadlay sidii amniga loo xoojin lahaa, waxaa laga hadlay sidii dadka martida ah loosoo dhoweynlahaa, Shirkaasi wuxuu noogu soo dhammaaday jewi aad u qurux badan oo laysla gartay in loo istaago sidii shirkaasi uu u guulaysanlahaa, waxaana la sameeyey Guddiyo si gaar ah u wada-shaqeeya," ayuu xusay Xirsi.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegtay in shirkan uu Puntland u horseedayo kobac dhaqaale iyo fursado shaqo oo ay hesho dhalinyaradda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM