Karaash oo la kulmay Guddiyada Maalgashiga iyo Aminga Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay guddiga qaban-qaabada shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga.

Markii uu shirku soo dhamaadey, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa wuxuu warbaahinta u mariyey qodobada ay falan-qeeyeen.

“Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga; waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo iyo wixii ka dambeeyaba".

Madasha Maalgashiga Puntland oo dhowaan bilaabaneysa ayaa waxaa kasoo qeybgalaya maalgeshato caalami ah, kuwaasi oo loosoo bandhigi doono fursadaha ka jira degaanada maamulkan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in la isla qaatey adkeynta amniga inta uu shirku socdo iyo xaqiijinta badqabka martida kasoo qeybgeli doonta shirkaas.

"Guddigu waxa uu ka warbixiyey diyaar-garawgu meesha uu marayo, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaa laga hadlay sidii amniga loo xoojin lahaa, waxaa laga hadlay sidii dadka martida ah loosoo dhoweynlahaa, Shirkaasi wuxuu noogu soo dhammaaday jewi aad u qurux badan oo laysla gartay in loo istaago sidii shirkaasi uu u guulaysanlahaa, waxaana la sameeyey Guddiyo si gaar ah u wada-shaqeeya," ayuu xusay Xirsi.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegtay in shirkan uu Puntland u horseedayo kobac dhaqaale iyo fursado shaqo oo ay hesho dhalinyaradda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM