​Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay amniga Puntland

Image

GAROWE- Wasiirkii hore Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan ammaanka guud ee Puntland iyo xaaladihii uu soo maray dalka Somalia gaar ahaan dagaalladi dhacay Sagaashameeyadii.

Khaliif Ciise Mudan oo waraysi siiyay mid kamid ah TV-yada Afka Somaliga ku hadla ayaa faah faahin ka bixiyay heerka uu marayo amniga Puntland, wuxuuna sheegay inuu wanaagsanyahay balse uu jiro dal-daloolo u baahan in wax laga qabto, isagoo xusay inuu arrintaasi kala hadlay madaxweynaha Puntland waloow uu sheegay inaan waxba laga qaban.

Mudan, ayaa cadeeyay in farqi weyn u dhaxeeyo amniga Puntland waqtigii uu joogay wasaaradda amniga iyo haatan, isagoo sheegay in laga gaabiyay dadaalladii ay samayn jirtay xukuumaddii hore ee ka dhanka ahaa kooxaha nabadiidka ah, wuxuuna arrintaasi sabab uga dhigay duullaankii Shabaab soo gaaday gaabis kajira laamaha ammaanka Puntland.

Wasiirkii hore Amniga ayaa sidoo kale macneeyay qorshaha Shabaab ka lahayd inay timaado Puntland, wuxuuna sheegay inay noqon kartay labo arrin midood, kuwaasi oo kala ah; ku biiritaanka kooxda sheegatay Daacish ee Puntland ku sugan iyo ka mid noqoshada Shabaabta joogta Gal-gala.

Khaliif Ciise, wuxuu waraysiga sidoo kale ku faah faahshay dagaallo Somalia ka dhacay 1992-dii, madaama waqtigaasi uu ahaa Taliyaha ciidamada Cirka Somalia.

Dhinaca kale waxaa wax laga weydiiyay hadafkiisa siyaasadeed, isagoo sheegay inuu soo wado barnaamijyo cusub oo dhanka siyaasadda ah, wuxuuna intaasi raaciyay inuusan ka bixin siyaasadda balse bilow u tahay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARAYSIGA WASIIRKII HORE AMNIGA PUNTLAND

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM