Khaliif Ciise oo faahfaahiyey walaaca uu ka qabo Puntland "Dhagayso"

Image

Sabti 17 Octber, 2014 [GO]- Wasiirkii horre Amniga Dowlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay sababta ka dambaysa inuu kusoo daabaco warbaahinta Somalida todobaadyadii lasoo dhaafey qoraalo uu kaga digayo Mustaqbalka Puntland.

Khaliif Ciise Mudan oo haatan ku sugan dalka Kenya gaar ahaan Nairobi ayaa kula hadlay khadka telefonka warbaahinta Garowe Online waxaana uu ka jawaabay su'aalo kala duwan oo lagu waydiiyey walaaca uu xilligan ka qabo, aragtidiisa ku saabsan heshiiskii maalmo ka hor ku saxiixeen Garowe Dowlada Federalka iyo Puntland iyo Mowqifkiisa siyaasada.

Mar la waydiiyey Khaliif jiritaanka Urur mucaarad ah oo uu madax ka yahay ayuu sheegey inuu yahay warkaas mid ku tiri ku teen ah islamarkaana aan hadda qorshaha ugu jirin inuu xubin ama madax ka noqdo urur siyaasadeed tan iyo inta la gaarayo waqtiga lagu dhawaaqayo Asxaabta Puntland..

Waxa uu intaas ku darey Khaliif inay jirto cabasho bilihii lasoo dhaafey ka imaanaysa dadka kaluumaysatada Puntland, kuwaas oo uu sheegey inay halis ku noqdeen heshiisyo baal marsan sharciga oo ay la gashay Wasaarada Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Puntland Maraakiib iyo Doonyo jariif oo faro badan.

Wareysiga Jeneraal Khaliif Ciise Mudan oo ah mid xiiso leh ayaa lagu waydiiyey su'aalo dhinacyo kala duwan taabanaya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM