Khamri Macmal ah oo Garowe lagu qabtay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ciidanka la dagaallanka Argagixisada iyo daroogada oo kaashana Booliiska degmada Garowe ayaa gacanta kusoo dhigay Lix qof oo haweenay ku jirto kuwaasoo faraha kula jiray iibinta Khamri gacan ku samays ah.

Dadkan iyo Khamrigooda ayaa maanta lagusoo bandhigay taliska qaybta degmada Garowe, waxaana laamaha ammaanku sheegeen in Maandooriyahan uu ka khatar badanyahay kuwo kale ee caadiga ah.

Noo Khamrigan oo lagu sheegay Caraq ayaa la sheegay in lagu sancaynayay Kaamka Washington ee duleedka magaalada Garowe.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska gobolka Nugaal gaanshaanle dhexe Ibraahim Maxamed Cabdi ayaa uga digay cid walba oo gacmaha kula jirta falal caynkaan oo kale ah inay tilaabo adag ka qaadidoonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ciidanka kusoo wargeliyaan waxyaabaha halista ku ah bulshada sida Qamrigaan oo kale.

Wuxuu sheegay in dadkan tallaabadan lagu qabtay xilli lagu jiro bisha Ramadaan, wuxuuna Wacad ku maray in sharciga lala tiigsan doono.

Taliyaha ciidanka la dagaalanka argigixisada Puntland General Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in shakhsiyaadkan loo gudbin doono Maxkamadda, isagoo ka dalbaday inay xukun adag ku ridaan maadama ay falkaan lagusoo qabtay Bil Ramadaan oo dadku cibaadaysanayeen.

Waa noocii ugu horeeyay Khamrigan oo lagusoo bandhigo magaalada Garowe, wuxuuna kusoo aaday xilli la xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Dadka kariya Xaaraanta Bisha Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM