Khasaaraha dagaalka Sool oo kordhaya iyo baaqyo laga diray [Daawo]

Image

LAASACAANOOD - Waxay fahfaahin kasoo baxaysa dagaal beeleed dib uga soo cusboonaadey Koonfurta gobolka Sool, gaar ahaan degaan lagu magacaabo degaanka Dhumay.

Cooladdan oo u dhaxeysa malleeshiyaad kasoo kala jeeda Bah-harsame iyo Qayaad ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay.

Inta illaa hadda la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dagaalka sokeeye 17 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhawacmeen, kuwaaso wararku ay sheegeen in la dhigay Isbitaalka magaalada Laasacaanood.

Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan.

Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo dhinacyada dirirta u dhaxeysa ay dhex-degan yihiin ayaa lagu eedeeyay inaysan xil iska-saarin, islamarkaana muhiimad siinin xalinta colaadda dhiiga ku daadanaya.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dowladda Puntland iyo siyaasiyiin uu ugu horeeyo Dr Saciid Deni ayaa baaqyo kasoo saarey colaadda, iyagoo ku baaqay xabad joojin deg deg ah, oo shuruud la'aan ah.

"Waxaan halkan baaqay uga dirayaa beelaha walaalaha ah, ee shaqaaqadu ku dhex martay degaanka Dhumay ee Konfurta Gobolka Sool, waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan dagaalka iyo xabada, kuna bedelaan wadahadal iyo wada-xaajood," ayuu yiri Dr Saciid Deni.

Dr Saciid Cabdullaahi Deni, oo kamid ah musharaxiinta Madaxweyne ee doorashada Puntland 2019, ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka Cabdiweli Gaas, wax-garadka, culimada iyo isimida inay u istaagaan deminta colaadda.

Waxa uu sidoo kale Saciid Deni soo noqday Musharax xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016-ka.

Ugu dambeyntii, Dr Deni ayaa tacsi u diray dhamaan eheladda iyo qaraabadda dadkii ay jeclaayeen ku waayay dagaalka Koonfurta gobolka Sool, isagoo bogsasho deg deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM