Khasaaraha qaraxii maxkamada ciidamada ee Boosaaso oo korodhay

Image

BOOSAASO, Puntland - Ugu yaraan tobban ruux ayaa ku dhaawacantay ka gedaal markii qarax miino uu maanta ka dhacay afaafka hore ee maxkamada ciidamada magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Sidda uu sheegay taliska Booliska, bartilmaameedka qaraxa ayaa waxa uu ahaa gaari uu lahaa gudoomiyaha maxkamada, Abuukar Cabdinuur, kaasi oo haatan ku sugan magaalada Garowe.

Dadka dhaawacmay oo qaarkood ay liidato xaaladooda ayaa waxaa ku jira taliyihii ilaalada ciidanka gudoomiye Abuukar iyo garsoore maxkamadeed, kuwaasi oo dhamaantooda lagu daaweynayo Isbitaalka guud.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in qaraxa uu sidoo kale geystay burbur hantiyadeed gaar ahaan dhismeyayaal goobta ka akdhowaa oo ay ku jireen mahrado ganacsi.

"Run ahaantii, jugta qaraxa aad ayey u cusleed. Aniga waxaa indhaheyga saaray in ka badan 10 qof oo dhaawac, una badan shacab ay ku jiraan haween warato ahaa," ayuu yiri mid kamida Goobjoogeyaasha.

Wasaaradda Amniga dowladda Puntland iyo maamulka gobolka Bari illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadaasi.

Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya ayaa inta badan ficilada noocaan ah ee liddiga ku ah amaanka ka geysta magaalooyinka Puntland, inkasta oo weerarkaan midkoodna uusan dusha saaran,

Bishii hore ayay ahayd markii, gudoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Dhedo, uu ka badbaaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib markii qarax loogu xiray gaarigiisa wallow uu qarxay daqiiqo kahor inta uusan ka degin.

Qaraxaan ayaa imaanaya iyadda oo todobaadkii hore maxkamada ciidamada ay xukuno isugu jira dil iyo toogasho ay ku riday shaqsiyaad lagu eedeeyay Shabaabnimo iyo Daacishnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM