Khasaaro ka dhashay dab qabsadey suuqa Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Dab la sheegay in uu xoogannaa ayaa xalay qabsadey qayb kamid ah suuqa weyn ee xarunta ganacsiga dowlada Puntland ee Boosaaso kaasoo aan wali la ogeyn waxa sababay.

Mas'uuliyiinta xarunta gobolka Bari iyo dadweynaha oo kaashanaya gaadiidka dab-damiska ayaa ku guuleystay in ay baqtiijiyaan dabka, sida ay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal kala duwan.

Illaa haatan, lama tiro koobin khasaaraha guud ee ka dhashay dabka. Balse, warar horudhac ah waxay tibaaxayaan in waxyeelada ay kooban tahay ayna arrintaas ka dhalatay gurmadka deg-dega ah.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qabtey goobta dabka ka kacay ayaa muujinaya gubashadda tirro badan oo mehrado ganacsi oo ay ku jiaan carwooyin lagu iibiyo noocyadda kala duwan ee dharka.

"Marka laga soo tago gubashadda muuqata; su'aalaha u baahan in laga jawaabo walina aan lagu deg-degi karin waa sababta dhalisay iyo khasaaraha guud ee ka dhashay," ayuu yiri goobjooge.

Saraakiisha ammaanka gobolka Bari oo tibaaxay in ay murugada la wadaagayaan ganacstada uu dabku saameeyay ayaa tibaaxay in ay baaritaan bilaabeen soona bandhigayaan natiijada kasoo baxda.

Inta badan dabka ka kaca suuqyada ku yaala Soomaaliya ayaa ka bilowda koronto wallow la sheegay in ay jiraan qaar ku talagal ah, hase ahaatee, waxaa la dhowrayaa maxsuulka baarista bilaabatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM