Khasaaro ka dhashay dagaalka Galkacyo ka socda

Image

28 November, 2015(GO)-Waxaa weli socda iyadoo la isu adeegsanayo xubka waaweyn dagaal saaka mar kale dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana jira khasaaro kala duwan.

Dagaalkan ayaa sakaa bilowday, wuxaana la isu adeegsanayay qoryahay fud-fud, balse wararka aan hadda helayno ayaa sheegaya inuu dagaalku xoogaystay, isla markaana la maqlayo daryarnka rasaasta waaweyn oo isweydaarsanayaan dhinacyada diriraya.

Warar aan ka helayno ilo ka agdhow meelaha dagaalku ka socda sida Suuqa Darxumo, ayaa sheegaya inay dhinteen ilaa 8 ruux oo labada dhinac ka tirsan, waxaana dhawac soo gaaray ilaa 30 ruux oo qaybtood haleeleen xabado habow ah, waxaana dhaawaca la dhigay cusbitalka magaaladaasi.

Waxaa adag in la helo dhinacyada dagaallamay iyo xogta rasmiga ah ee goobaha dagaalku ka socdo, balse waxaa jira baabur la gubay iyo goobo shidaal sida ay Garowe Online u xaqiijyeen goob joogayaal ku sugan Galkacyo.

Ilaa hadda ma jirto cida ka tirsan labada maamul ee dagaallamaya, waxaana arrintani ku soo beegantay xilli ay jireen waan waan uu qayb ka ahaa Ra'isal wasaaraha Somalia, balse dhammaantood wax ka hirgalay ma jiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM