Khasaaro ka dhashay Dooni badeeco u sidday Boosaaso oo degtay

Image

BOOSAASO, Puntland – Dooni lagu magacaabo Cabdikariin oo laga leeyahay Hindiya taasi oo badeeco u soo sidday Boosaaso ayaa ku degtay meel ku dhow dekadda Salala ee waddanka Cuman.

Ku dhowaad kun tan oo badeeco ah ayaa saarnaa doonidan. Balse waxaa la sheegayaa in ay kaliya ka badbaadeen tobban ruux oo shaqaale ka ahaa, taas oo ka dhigan in lagu waayay hanti badan.

Faysal Maxamuud Ibraahim oo wakiil ka ahaa doonidan ayaa waxa uu tibaaxay in ay Doonta degtay marqibnimadii Isniintii xili ay kasoo shareecatay marsada ku taala koonfurta dalka Carbeed.

Shixnadda ayaa waxay isugu jirtay Raashiinka noocyadiisa kala duwan iyo Bagaash, sida uu ka dhawaajiyey Faysal. Howlwadeenadan waxay gabigooda u dhasheen India.

"Doonidan oo sidday 950-tan kuna soo jeeday Boosaaso ayaa Cuman kasoo baxday casirkii, waxayna degtay lixdii galabnimo," ayuu u sheegay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Ma cadda sababta keentay in ay degto Doonta, balse Ibraahim, oo ganacsade ah, ma uusan ka bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan arrintaas.

Bishii August ee sanadkan ayay ahayd markii Bad-weynta Hindiya ay ku degeen labada Doon oo badeeco u sidday Boosaaso. Doonidaas ayaa ka yimid waddanka isku taga Imaaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM