Qarax ka dhacay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay afaafka hore ee dekadda Boosaaso.

Qaraxa oo dhacay fiidnimaddii caawa ayaa waxaa la sheegay uu ka dhashay walxo qarxa oo meel lagu aasey.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay, sidda laga soo xigtay saraakiil dhanka ammanka ah oo ka gaabsadey in la adeegsado magacyadooda.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ruuxa dhaawacmay uu yahay askari katirsan ilaaladda dekedda Boosaaso.

Dekadda oo ku taala xaafada Suwayto waxaa ka agkdhow mehrado ganacsi oo qaarkood ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay Itoobiya. Ma cadda khasaaraha soo gaartay.

Ma jirto cid mas'uuliyadda qaraxa sheegatay, balse weerarada noocan ah ayaa looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish inay ka geystaan magaalada.

Laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa xaqiijinta xasiloonida magaaladda, waxayna ku guuleysteen in ay fashiliyaan qaraxyo dhowr ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM