Khasaaro ka dhashay roobab dabaylo wata oo ka da'ay Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Ugu yaraan shan kalluumeysato Yemeni ah ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen roobab dabaylo wata oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay degaanada xeebta ku teedsan ee dowladda Puntland.

Kalluumeysata ayaa meydkooda laga helay degmadda Xaafuun, sidda ay khadka telefoonka warsidaha Garowe Online ugu sheegeen dadka degaanka.

Sidda ay sheegayaan warar madax-banaan, laasash iyo samiixado ay lahaayeen doonyo kalluumeysato ayaa si lamid ah ku burburay roobabta mahiigaanka ah, waana qayb kamid ah khasaaro maaliyadeed.

Isgarsiinta Xaafuun ayaa hawada ka maqan, waana mid kamid ah saameynta ka dhalatay roobabka. Shirkaddaha isgaarsiinta Golis iyo Somtel waxay xaqiijiyeen in xarumahooda degmaddan aysan shaqo ka socon.

Dhanka kale, degaanka Hurdiya oo roobabka dabaylaha watay ku da'een ayaa laga soo sheegay khasaaro maaliyadeed si gaar ah burburka guryo dad shacab ah. Illaa haatan, lama soo warin waxyeelo nafeed – geer iyo dhaawac.

Mas'uuliyiintan degaanada ay roobabka ku da'een ayaa shaaca ka dhigay in ay ka shaqeynayaa sidii gurmad u heli lahaayeen dadka saameynta ay gaartey, iyagoo u tacsiyeeyay qoysaska iyo ehelka ajaaniinta geeriyootay.

Rayidka ayay ku booriyeen in ay ka fogaadaan degaanada xeebaha ku teedsan, halka kalluumeysatadana ay ku waaniyeen in aysan jilaabasho doonan maadaama la saadaalinayo roobab dabaylo wata in ay soo wajahan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM