Khasaaro kala duwan oo ka dhashay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland - Qarax aan wali noociisa la xaqiijin ayaa waxaa lagu waramay in Axada maanta ah uu ka dhacay waqoyga magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fahfaahino horudhac ah ayaa sheegaya in duulaanka lagu beegsaday xarunta gobolka. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaana jira. Balse, lama hubo tiradda guud.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in bartilmaameedka ay yihiin mas'uuliyiin sar-sarre. Qaraxa wuxuu ka dhacay ilinka hore ee xarunta gobolka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinkaan oo kale ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya xoogaga Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka oo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay fahfaahin siin doonan warbaahinta kadib marka ay dhameeyaan baaritaanka.

Sawirro laga soo qaadey meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burbur soo gaarey dhismeyaal iyo gaadiid kale oo ku gubtay meesha ay wax ka dhaceen.

Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgalo lagu sugayo nabad-gelyadda waxaa dhanka koonfur maamula Galmudug, halka Waqooyi ay hoostagto dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM