Khayre oo qiray in ay DF Soomaaliya "ka gardaran tahay" Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu qiray in Dowladda federaalka Soomaaliya ay "ka gardaran tahay" Puntland, sidda uu shaaca ka qaadey Senator Cabdirisaaq Cusmaan Jurile.

Mudanahan ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ayaa tibaaxay in Khayre uu hadalkaas ka dhawaajiyey kadib kulan ay ka yeesheen xiisaddii ka taagneyd shahaadada.

Shirkaas ayuu daboolka ka qaadey in uu ku wehliyey Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee dowlada Puntland ahna xubin ka tirsan Sanate-ka dalka.

Prof Jurile ayaa intaas ku daray in Khayre uu sidoo kale u sheegay in nidaamka waxbarashada Puntland uu yahay "mid mudan ay ku daydaan maamul goboleedyada".

"Ra'iisul wasaaraha wuxuu noo sheegay in uu la hadlay madaxweynaha, Deni. Markii ay arrintaas isla afgarteen wuxuu noo sheegay oo uu noo qiray in Puntland laga gardaran yahay. Wuxuu noo sheegay in Puntland habkeeda waxbarasho in uu yahay mid mudan lagaga daydo oo dowlad goboleedyadda kale ay kaga daydaan, wasaaraduna aqbasho. Deni waan isla ogolaanay buu yiri," ayuu Jurile ka sheegay dood ay martigelisay Hay'adda PUNSAA oo xalay lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Garowe.

Sidda uu ka dhawaajiyey wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Khayre ayaa u sheegay Goodax Barre in uu u socdaalo Puntland si loo dhameeyo khilaafka.

"Waa dhowr saddex, afar, shan maalmood isbuuc kahor markii aan soo ambabaxnay, markii ay arrintaasi dhacday," ayuu Jurile xusay, isagoo dhaliilay xubno sheegtay "labinta ay keeneen".

Ugu dambeyntii, isagoo caddeeyay in Puntland aysan qeyb ka noqon doonin wax kasta oo ka dhan ah dowladanimada Soomaaliya ayuu tibaaxay khilaafka jira uu salka ku hayo "baarlmarinta habkii lagu heshiiyey".

MUUQAALKA JURILE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM