Khilaaf ka dhax qarxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdi kullan oo dhinac ka riixaya ajindaha madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanya Saciid Deni ayaa ka hor yimid hadal maanta ka soo yeeray wasiirka Wasaarada Cabdi Faarax Juxa oo ku buriyay golaha ay soo dhiseen labada garab ee ku loolamaya Guddoonka golaha deegaanka Boosaaso.

Wasiiru Dawlaha ayaa taageeray doorashada lagu qabtay Xarunta gobolka Bari, oo ay soo dhiseen ururada Kaah, Sincad iyo Mustaqbal, taas oo si cad uga soo horjeedda habraaca ay soo saartay Wasaaradda arimaha gudaha oo qeexaya in kooramka lagu dhisayo golaha magaalooyinka waaweyn uu yahay 22 xildhibaan, halka golaha uu soo dhisay Wasiiru Dawlaha lagu dhaariyay 16 xildhibaan.

Wasiiru Dawlaha oo ka soo horjeestay habraaca ayaa sheegay in aan la deji karin wax sharci ah inta lagu guda jiro doorshada sida uu sheegay, waxuuna intaas raaciyay in Boosaaso ay la mid tahay magaalooyinka kale, aana loo asteey karin sharci u gooni ah, isaga oo sheegay in uu raacayo shuruucda uu dajiyay Baarlamaanka oo kaliya.

Khilaafkan ka dhax qarxay wasiirada Saciid Deni ayaa laga cabsi qabaa in uu halis galiyo amaanka magaalada Boosaaso, iyada oo laga digay in hanaanka sharci darrada ah ee la doonayo in doorashada lagu qabto oo horseedi karo isku dhacyo la mid ah middii Garowe ka dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM