Khilaaf soo dhexgalay Wasaaradda Waxbarashada Puntland & DF

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay wasaaradda waxbarashada ee maamulka Puntland iyo dowladda federaalka, ayada oo wasaaradda waxbarashada ku eedeysay DF in ay fulin weyday qodobadii lagu heshiiyey ee arrintan ku saabsan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Nuur Juba ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diiday in ay aqoonsato shahaadooyinka ardaydii ku guuleysatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka hor imaaneyso heshiisyada labada dhinac ay kala saxiixdeen, isaga oo ku sababeeyay is bedelkan maamulka hadda talada haya uu ku eedeeyay inuu siyaasadeeyay waxbarashada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa beeniyay in dowladda Puntland ay u adeegsaneyso waxbarashada qaab siyaasadeed si ay isaga horkeento maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay diiday in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafkaas, lana xoojiyo hannaanka federaalka ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM