Khilaaf soo dhexgalay Wasaaradda Waxbarashada Puntland & DF

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay wasaaradda waxbarashada ee maamulka Puntland iyo dowladda federaalka, ayada oo wasaaradda waxbarashada ku eedeysay DF in ay fulin weyday qodobadii lagu heshiiyey ee arrintan ku saabsan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cali Nuur Juba ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diiday in ay aqoonsato shahaadooyinka ardaydii ku guuleysatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka hor imaaneyso heshiisyada labada dhinac ay kala saxiixdeen, isaga oo ku sababeeyay is bedelkan maamulka hadda talada haya uu ku eedeeyay inuu siyaasadeeyay waxbarashada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa beeniyay in dowladda Puntland ay u adeegsaneyso waxbarashada qaab siyaasadeed si ay isaga horkeento maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay diiday in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafkaas, lana xoojiyo hannaanka federaalka ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM