Kiis kufsi "aan horey loo arag" oo ka dhacay Puntland

Image
Garowe Online ayaa ogaatay in kiiskan ay ku eedeeysan yihiin saddex nin kuwaasoo xabsi loo taxaabay.

GAROWE, Puntland - Degaanka Daaru-Salaam ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay kufsi ah loo geystay Nimco Cabdiwali Cismaan oo ahayd 17 jir xaas ahayd oo u dhaxday mid kamid ah ragga ku eedeysan kiiskan.

Aabaha dhalay dhibanaha, Cabdiwali Cismaan oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay in gabadhiisa ay kufsadeen dhawr nin. Seygeedda ayuu ku eedeeyay in uu "shirqoolka u maleegay Nimco".

"Gabadhayda meel kasta oo nool waa laga dilay 60 toorey ayaa lagu dhuftay waxaan doonayaa cadaalad in aan helo," ayuu Cabdiwali ku yiri nuqul kamid ah wareysiga uu siiyey warsidaha GO.

GO ayaa ogaatay in kiiskan ay ku eedeeysan yihiin saddex nin oo Arbacada maanta ah, 26 April, 2023 loo dhaadhiciyay xabsiga wayn ee Gaalkacyo isla markaana uu bilaabanayo baaritaanka.

Kiiskaan ayaa dhacay 19 bishan April, 2023. Dhinacyada uu khuseeyo ayaa ka gaabsaday fahfaahinta baaritaanka ay waddo Puntland. Saraakiisha dowladda ayaan suurtagal ahayn in lagala hadlo qadiyaddan.

Puntland ayaa waxaa gilgilay 2019-kii kiiska kufsiga Caasho Ilyaas oo ahayd gabar ardayad ah oo Galkacyo qoyskoodu daganaa balse sanadkan 2023 ayaa markale ay Puntland maraysaa tijaabo adag.

Kufsiga gabdhaha yar-yar iyo caruurta ayaa kusoo badanaya degaanada Soomaalida ay degto gaar ahaan dhulka Puntland. Dadka qaarkood waxay tuhunsan yihiin in falalkan ay ka dambeeyaan shaqsiyaad dano gaar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM