Puntland: Kiisaska Corona oo dhaafay 100 xilli uu dhintay qofkii shanaad

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen 13 kiisas cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 111 ayaa waxay kala joogaan Bari, Nugaal iyo Mudug, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee guddiga wacyi-gelinta.

Sidda laga soo xigta warbixinta oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, Mudug waxaa ku sugan Shan bukaan, Nugaal iyo Bari waa min afar ruux.

Tani ayaa ka dhigan in xaaladaha caabuqa ee degaanada Puntland ay dhaaftay 100, taas oo suurtagal ay tahay in sarre uga kacdo saacadaha soo aadan.

Sidda lagu xaqiijiyey qoraalka kasoo baxay guddiga, lix kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, todoba kelana waa dumar ama Dhedig.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay waxaa la xaqiijiyey hal dhimasho. Geerida waxay noqotay shan, tirada bogsatay waxay wali ku taagan tahay saddex.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM