Koor oo ka tanaasuley xubinta degaanka Garowe

Image

July 31,2015 (GO)- Duqii hore ee degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa ka tanaasulay loolankii adkaa ee ugu jiray xubinimada gollaha deegaanka ee degmada Garowe.

Koor ayaa u tanaasulay duqa degmada Garowe Axmed Siciid Geelle Shoodhe, oo ay markii hore isku haysteen xubinta gollaha deegaanka, taasoo khilaaf ka dhex abuurtay beesha ay kasoo jeedaan.

Ka tanaasulkan waxaa qayb muhiim ah ka qaatay Islaan Ciise Islaam Maxamed Islaam Muuse oo maalin kahor la wareegay xalka ugu dambeeya ee  ee loolanka labadaan mas’uul.

Axmed Shoodhe ayaa lagu wadaa inuu ku dhowaaqo murashaxnimadiisa gudoomiyaha gollaha deegaanka Garowe.

Tartanka gudoomiyaha degmada Garowe ayaa waxaa sidoo kale u tartamata xubno kale oo aan weli shaacin musharaxnimadooda.

Sidoo kalle, madaxweynaha dowladda Puntland ayaa magacaabay guddiga xalinta khilaafka iyo ansixinta xubnaha gollaha deegaanka, waxaana gudoomiye u ah wasiirka arrimaha gudaha Punland Axmed Karaash.

Guddigaan oo ka kooban 5 xubnood waxay kala yihiin wasiirka arrimaha gudaha Axemd Karaash, Wasiirka amniga, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, wasiir ku xigeenka haweenka Farxiyo Maxamuud, gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise iyo iskuduwaha wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolka Nugaal Ciise Xaaji Cabdulle.

Guddigaan ayaa muddo saddex cisho gudaheed kusoo dhisidoona gollaha deegaanka ee degmada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM