​Koox Banaadir oo qaaday koobka kubadda Kolayga Gabdhaha maamul goboleedyada [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Koobka kubadda Kolayga Gabdhaha matalaya maamul goboleedyada Somalia, ayaa galabta lagusoo gaba gabeeyay magaalada Garowe caasumadda Puntland, waxaana hanatay koox kasocota gobolka Banaadir kadib markii laga badiyay naadi Matalayay maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Kolayga Puntland Maxamed Maxamud Burci, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay natiijada cayaarta, wuxuuna sheegay in koobkan uu sidaas kusoo gaba gaboobay.

Burci, ayaa sheegay in kooxda kasocotay gobolka Banaadir ay ahayd naadigii ugu awoodda badnaa intii koobku socday, wuxuuna u aaneeyay hanashadooda inay ku jiraan laacibiin fiican oo qayb ka ah koobabka heerka kowaad ee Muqdishu.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale xusay in ujeedka loo qabtay tartankan ay tahay sidii loo heli lahaa koox isugu jirta Qurba joog iyo dal joog oo ka qayb gala cayaaraha ka furmay waddanka Imaaraadka.

Wuxuu sheegay in durba la xulay 18 gabdhood kuwaasoo ahaa shakhsiyaadkii ugu laacibsanaa mudadii koobku socday, isagoo sheegay in Garowe uu joogo Macallinkii hogaamin lahaa naadigan.

Tartankan, ayaa intuu socday waxaa hareeyay dooda badan maadaama culimadu sheegtay inaysan diintu ogolayn inay haweenku goobo fagaaro ah dharka isaga dhigaan deetana ay kubadda cayrsadaan.

Guddoomiyaha gobolka Nugal oo culimada u jawaabay, ayaa isna arrintooda naqdiyay, wuxuuna wacad ku maray inay ujeedkooda hirgalin doonaan.

Waa markii ugu horraysay tartan noocaan ah uu ka dhaco dalka Somalia, tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii miletariga ee ay hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM