​Koox Banaadir oo qaaday koobka kubadda Kolayga Gabdhaha maamul goboleedyada [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Koobka kubadda Kolayga Gabdhaha matalaya maamul goboleedyada Somalia, ayaa galabta lagusoo gaba gabeeyay magaalada Garowe caasumadda Puntland, waxaana hanatay koox kasocota gobolka Banaadir kadib markii laga badiyay naadi Matalayay maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Kolayga Puntland Maxamed Maxamud Burci, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay natiijada cayaarta, wuxuuna sheegay in koobkan uu sidaas kusoo gaba gaboobay.

Burci, ayaa sheegay in kooxda kasocotay gobolka Banaadir ay ahayd naadigii ugu awoodda badnaa intii koobku socday, wuxuuna u aaneeyay hanashadooda inay ku jiraan laacibiin fiican oo qayb ka ah koobabka heerka kowaad ee Muqdishu.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale xusay in ujeedka loo qabtay tartankan ay tahay sidii loo heli lahaa koox isugu jirta Qurba joog iyo dal joog oo ka qayb gala cayaaraha ka furmay waddanka Imaaraadka.

Wuxuu sheegay in durba la xulay 18 gabdhood kuwaasoo ahaa shakhsiyaadkii ugu laacibsanaa mudadii koobku socday, isagoo sheegay in Garowe uu joogo Macallinkii hogaamin lahaa naadigan.

Tartankan, ayaa intuu socday waxaa hareeyay dooda badan maadaama culimadu sheegtay inaysan diintu ogolayn inay haweenku goobo fagaaro ah dharka isaga dhigaan deetana ay kubadda cayrsadaan.

Guddoomiyaha gobolka Nugal oo culimada u jawaabay, ayaa isna arrintooda naqdiyay, wuxuuna wacad ku maray inay ujeedkooda hirgalin doonaan.

Waa markii ugu horraysay tartan noocaan ah uu ka dhaco dalka Somalia, tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii miletariga ee ay hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM