Koox hubaysan oo isaga baxday Tuulo u dhow Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Dasaan oo u dhow degmada Qandala ee gobolka, ayaa sheegaya in xalay koox loo malaynayo inay katirsanyihiin Daacish ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada.

Mallayshidan hubaysan ayaa tan iyo saaka gacanta ku haysay deegaankaas.

Xaaladda ayaa Saaka degan, waxaana dadka deegaanku sheegeen inay kooxdaas isaga baxeen waloow aan war laga hayn halka ay qabteen.

Ilaa hadda dadka deegaanku faah faahin kama bixin ujeedka kooxdaas iyo qorshaha ay ka lahaayeen deegaankaas.

Goob jooge la hadlay GO, ayaa sheegay in kooxdan oo u tilmaam Daacish ay deegaanka isaga baxday iyagoo aan gaysan wax dhibaato ah.

Gobolka Bari, waxaa qaybo kamid ah ku sugan ururkan taageersan ISIS, waxaana dhawaan laga saaray Qandala iyadoo aan la sheegin goobta ay gaareen.

Maamulka gobolka iyo kan degmada Qandala kama aysan hadlin arrintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM