Koox hubeysan oo weerartey saaka Hotel Village Bossaso

Image

BOSSASO, Puntland- Koox hubeysan ayaa saaka aroortii weerar ku qaadey Hotel Village ee ku yaal magalada Bossaso halkasoo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan ilaalada Hotel ka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaan hubeysan oo weerarka ku soo qaadey Hotel Village  ka koobneyd 7 qof iyadoo isku dhacaan ku dhinteen 6  ka tirsan labada dhinac.

Kooxda weerarka Hotelka ku soo qaadey ayaa wararku sheegayaan in laga diley 2 maleeshiyaad ah halka ilaalada Hotelka ka dhinteen 4 qof.

Hotelka Village ayaa dadkii daganaa kuwasoo ay kamid ahaayeen saraakiil ka tirsan shirkada DP World ayaa waxaan soo gaarin wax dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarka Koxdaan ayaa waxaa uu kamid yahay dilal iyo  dagaalo gaadmo ah ee kooxaha daacish iyo Al shabaab ku qaadayeen Bilihii u dambeeyey shacabka iyo ciidmaada amniga Puntland.

Dagaalkaan lagu soo qaadey Hotel Village ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Puntland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, shaqaalaha madaxtooyada Puntland iyo xildhibaano qayb ka yihiin olalaha dorashada magalaada Muqdishu. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM