​Korneyl Jimcaale "Ciddii shacabka laynaysa waxaan u arkaynaa Al Shabaab"

Image

GAROWE- Taliyaha ciidamada Kumaandoosta Puntland Cornel: Jimcaale Jaamac Takar, ayaa maanta ka hadlay xarig iyo jirdil loo gaystay haween ka mudaharaadayay sicir barar ku yimi maciishadda iyo lacagaha qalaad ee dollarku kamiyahay.

Jimcaale, wuxuu ku baaqay in arrintaasi la joojiyo, maadaama shacabku xor u yahay inay dhiibtaan afkaartooda, isagoo sheegay inay yihiin bulsho hadda kasoo kabaynaysa abaaro dalka saameeyay.

Cornelka oo la hadlay Radio Garowe, wuxuu saraakiisha iyo ciidamada falkaasi sameeyay u sheegay inay ka waantoobaan tacaddiga lagu hayo bulshada, isagoo tilmaamay hadii ay kusii socdaan inay tallaabo ka qaadi doonaan islamarkaana u arkayaan inay yihiin Al Shabaab.

"Har iyo habeen waxaan u taaganahay waa bulshada, mana ogolin in dhibaato loo gaysto, dadku waa xor wayna ka caban karaan wixii dhibaya, maaha in la jirdilo lana xir-xiro... Askarta waxaa samaynaysa iyo cidday ka amar qaadanayaan waxaana ugu baaqayaa inay kawaantoobaan....Hadii arrintaasi joojin waayaan waxaana u arkayaa Al Shabaab waana la dagallamaynaa shacabkana waan ka difaacaynaa,"Ayuu yiri Taliyaha ciidamda Kumaandoosta Puntland Cornel Jimcale oo sheegay inuusan joogin Garowe marka dhibaatadaasi dhacaysay.

Wuxuu intaasi raaciyay inuu la xiriiray gudoomiyaha gobolka Nugal iyo taliyaha qaybta balse taleefoonadoodu dansanaayeen isagoo ugu baaqay inay joojiyaan amarrada qaldan ee ay bixinayaan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli la xir-xiray islamarkaana la jirdilay, maanta iyo 04 bishan haween dhigayay mudaharaad silmi ah oo looga soo horjeeday sicir bararka ku yimi maciishadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM