Shirka beelaha Puntland oo la qabanayo kowda bisha June

Image

GAROWE, May 22,2015 (GO)- Guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga beelaha Puntland ayaa shaaciyey in shirkaas kowda bisha soo socota ee June lagu qaban doono magalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Maxamuud Xaaji Saalah oo gudoomiye u ah guddiga shirka ayaa saxaafada kula hadlay magaalada Garowe, wuxuuna sheegay shirku inuu socon doono mudo toban cisho ah, ergada lagu casumayna ay kasoo qayb gali doonaan.

Dib u eegista shirkii Puntland lagu dhisay, xallinta khilafka beelaha iyo  dib u furida nidamka dimoqradayidda ayaa ka mid ah waxyaabaha saldhigga u ah shirkan.

Shirkaas oo qaban qaabadiisa si wadajir ah u wadeen hay'ado tageero ka helaya beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub, baa markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Garowe balse isbadal  ka yimid dhanka la taliye-yaasha xukuumada madaxweyne Gaas ayaa sababey in qaban qaabadiisa ka gaabshaan.

Dhowaan ayaa madaxweyne Gaas kulan la qaatey qaban qaabiye-yaasha Somalida ah ee kulankaas taasoo go'aan lagaga gaarey waqtiga uu qabsoomi doono balse wararka ayaa xusaya in shirkaan aysan joogin hay'ada Interpeace.

Isbadalkaas ayaa dhinaca kale  sababey kala aragti duwanaansho soo kala dhex galay beesha caalamka iyo dowlada Puntland maadaama ay isku fahmi waayeen qaabka shirku u dhacayo iyo weliba ajandeyaasha diiradda lagu saari doono.

Beesha caalamka ayaa shardi ka dhigtey in shirkaan sida laga helayo diplomaasiyiin ku sugan Nairobi uusan siyaasad ahaan cillad ku noqon xasilloonida Puntland iyo maamullada dariska la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM