Kulan dhexmaray Deni iyo safiirka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya

Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Nairobi kula kulmay safiirka France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya, Aline Kuster-menager.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland.

Shirka ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

Khamiistii, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa waxaa is-aragga ku wehliyey saraakiil ka tirsan safaaradda iyo masuuliyiin ka socday hay'adda USAID.

Deni waxaa dhinaciisa wehliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in wada-hadalada ay yeesheen diiradda lagu saarey xaaladda guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Amniga.

"Si gaar ah, la dagaalanka argagixisada, kobaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh," ayuu raaciyey bayaanka.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Nairobi, halkaasoo kulamo kala duwan uu kula yeelanayo Beesha Caalamka iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM