Kulan dhexmaray Madaxweyne Gaas iyo Danjire Kay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

18 November, 2015(GO)-Waxaa caawa xarunta madaxtooyada Puntland casho sharaf is xogwaraysi ah ku dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo Danjiraha Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay oo xilkiisu dhammaaday.

Kulanka cashada ka dib waxaa saxaafadda si wadajira ula hadlay madaxweynaha Puntland iyo danjiraha, iyagoo ka waramay waxay ka wada hadleen.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay ka wada hadleen xaaladda Somalia, geedi socodka doorashada 2016, wuxuuna tilmaamay Kay inuu yahay oday muddo Somalia ka soo shaqeeyay haatanna sugayaan badalkiisa.

Danjire Nicholas Kay, ayaa dhankiisa Puntland ku ammaanay hormarka laga sameeyay dhinacyada ammaanka iyo doorka ay ka cayaarayso habka lagu gaarayo doorasho dalka Somalia ka dhacda dalka 2016.

Kay ayaa xusay inuu muddo labo sano iyo bar ah la shaqaynayay Qaramada Midoobay isla markaana uu ahaa xogahaya u qaabilsan Somalia, isla markaana ka shaqeeyeen arrimo ku saabsan waxbarashada, caafimaadka, ammaanka iyo qaabkii dalka Somalia looga saari lahaa kooxda Al-shabaab.

Hambalyo ayuu danjiruhu u diray shacabka Somalia iyo kuwa Puntland, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka Somalia gaari doono hormar, dimuqraadiyad iyo mustaqbal wanaagsan.

Nicholas Kay, ayaa xilkiisu dhammaaday, waxaana la filayaa in la soo magacaabo xoghaye kale oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona Somalia.

Arrintan isbadalka ayaa imaanaysa xilli Somalia ku jirto marxalad kala guura oo dalka galisay shirar siyaasadeed oo ku saabsan qaabkii loo heli nidaam doorasho oo aan ahayn hal qof iyo cod.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM