Kulan dhexmaray Madaxweyne Gaas iyo taliyaha ciidanka booliiska Somalia

Image
Image
Image
Image
Image

14 Octobar, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka booliiska Somalia ayaa maanta booqasho ku tagay hoyga Madaxweyne Gaas ka daganyahay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Booqashada taliyaha, waxaa ku wehelinayay saraakiil kale, waxayna salka ku haysay is xog waraysi ku aadan booqashada uu ku marayo Puntland.

Taliyaha ciidanka booliiska Somalia Sareeya Gaas Maxamuud Shiikh Xassan ayaa sheegay in Puntland ku arkay ciidan dhisan oo diyaar u ah xoojinta amnigooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa ka mahad celiyay booqashada uu ku marayo deegaanada Puntland, wuxuuna xusay inuu joogteeyo dadaalka uu wado taliyaha si loo xoojiyo dhismaha ciidanka booliiska Somalia.

Taliyaha ciidanka booliiska Somalia iyo saraakiil kale oo ka tirsan Puntland oo uu qayb ka yahay wasiirka Amniga ayaa shalay tagay magalada Galkacyo, waxaana dhawaan la filayaa in tababar loo soo xiro ciidamo ku jira xerada Abqaale ee gobolka Mudug, halka dhawaan loo soo xiray tababar ciidamo ku jiray degmada Carmo ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM