Kulan dhexmaray Madaxweyne Gaas iyo taliyaha ciidanka booliiska Somalia

Image
Image
Image
Image
Image

14 Octobar, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka booliiska Somalia ayaa maanta booqasho ku tagay hoyga Madaxweyne Gaas ka daganyahay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Booqashada taliyaha, waxaa ku wehelinayay saraakiil kale, waxayna salka ku haysay is xog waraysi ku aadan booqashada uu ku marayo Puntland.

Taliyaha ciidanka booliiska Somalia Sareeya Gaas Maxamuud Shiikh Xassan ayaa sheegay in Puntland ku arkay ciidan dhisan oo diyaar u ah xoojinta amnigooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa ka mahad celiyay booqashada uu ku marayo deegaanada Puntland, wuxuuna xusay inuu joogteeyo dadaalka uu wado taliyaha si loo xoojiyo dhismaha ciidanka booliiska Somalia.

Taliyaha ciidanka booliiska Somalia iyo saraakiil kale oo ka tirsan Puntland oo uu qayb ka yahay wasiirka Amniga ayaa shalay tagay magalada Galkacyo, waxaana dhawaan la filayaa in tababar loo soo xiro ciidamo ku jira xerada Abqaale ee gobolka Mudug, halka dhawaan loo soo xiray tababar ciidamo ku jiray degmada Carmo ee gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM