Kulan dhexmarey Madaxweyne Gaas iyo Issimada Barri oo khilaaf ku dhamaadey [Dhageyso]

Image

Jan 7, 2016 ( GO)- Kulan dhexmarey maanta madaxweynaha Puntland iyo Issimo ka tirsan gobolka Gardufu oo uu hogaaminayo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa ku dhamaadey is-afgaran waa.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo la xiriirey Idaacada Radio Garowe xafiiskeeda Switzerland ayaa sheegey in kulankaas ay kala hadlayeen madaxweynaha Puntland dhibaatooyinka haysta gobolka cusub ee Gardafu halkaasoo laga soo sheegayo xaalad adag. Beeldaajaha ayaa aad uga cabanyey sida uu wareysigaan ku sheegey qaabkii madaxweynaha Puntland ula dhaqmey xilli ay ka shaqeynayeen maslaxad guud ee shacabka Puntland.

Dhinaca kale waxaa maanta ka dhacey magaalada Bosaso rabshado salka ku haya muran dhuleed waayadii ugu dambeeyey ka taagnaa degmada Waaciye ( Gobolka Karkaar) kuwasoo ciidamada amniga rasaas ku kala eryeen dad isugu soo baxey xaafad ku taal duleedka madaxtooyada.

Munaasabada lagu furayo garoonkaan ayaa waxa kasoo qayb galey madax farabadan oo ka kala timi dowlada federaalka, beesha caalamka, siyaasiyiin magac ku leh Somalia iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM