Kulan lagula xisaabtamayo xukuumadda PL oo Garowe ka furmaya

Image

December 27, 2014 (GO)- Kulan lagula xisaabtamayo golaha xukuumadda Puntland oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa maanta ka furmaya hoolka shirarka xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Garowe.

Kulanka waxaa kasoo qayb gelaya Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo dhammaan xubnaha golaha wasiirrada oo iyagu maanta mid mid uga warbixin doona waxqabadkooda sanadkan 2014 iyo waxyaabaha uga hirgalay qorsheyaalkii ay horay u dejiyeen.

Warbaahinta ayaa ka qayb geleysa kulanka waxaana si toos ah khudbadaha looga dhegeysan doonaa telefishinada iyo qaar kamid ah idaacadaha maxalliga ah gaar ahaan Radio Garowe.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu horay u sheegay inuu mid mid ula xisaabtami doono golihiisa wasiirrada isagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in bulshada loosoo gudbiyo waxqabadka wasaarad kasta.

Faah faahin ku saabsan kulankaas, sawirrada iyo khudbadaha mas'uuliyiintu jeediyaan wararkeena dambe ayaan idiinku soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM