Isimada Puntland oo kulan loogu qabanayo Qardho [Dhageyso]

Image

10 Augus 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo wareysi dhinacyo badan taabanayey ka bixiyey golaha middnimada iyo falanqeynta arrimaha Somalia kasoo marka lasoo gaabsho la yiraahdo 88 ayaa shegeey in kulan horey ugu dhawaaqdey xukuumadiisa loo qaybiyey Afar qaybood.

Mudane Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey in kulanka hore uu ka dhacayo magaalada Galkacayo kaasoo loo qabanayo dowlada Puntland iyo bulshada rayidka ah "Civil society", waxaana looga hadlayaa ayuu sheegey mustaqbalka Puntland, kulanka ku xiga waxaa uu noqanayaa shirka wadatashiga issimada Puntland kasoo ka dhici doona magaalada Qardho halka kulan guud iyo mid gaar ah ee loo qabanayo dadka qurbo joogta ah ka dhaci doonaan magaalo madaxda Garowe.

Kulamadaan ayaa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas sheegey in midka ugu horeeya ka bilaami doono magaalada Galkacayo bishaan August dhamaadkeeda iyadoo guddiyadii ka shaqeyn lahaa la magacaabey.

Kulankaan oo hadalyentiisu ku badneynd bilihii lasoo dhaafey degaanada Puntland ayaa markii hore loo qorsheeyey inuu ka dhaco magaalo kaliya markaas oo ay iska kaashanayeen xukuumada iyo qaar ka tirsan hay'daha caalamiga, madaxweyne Gaas ma sheegin cida bixin kharashka ku baxaya Afartaan magaalo.

Dhinaca kale wareysigaan ayaa madaxweynaha Puntland kaga hadley nidaamka doorashooyinka ee Puntland, arrimaha federaalka iyo higsiga 2016.

Xuquuqda wareysigaan waxaa iska leh golaha midnimada iyo falanqeynta arrimaha Somalia (88)

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM