​Kulan looga hadlay dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wajiga koowaad dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa maraya heer gabo gabo ah, waxaana hadda shaqadu ka socota wadada diyaaraduhu ku ordaan [Run way], waxaana maanta gudaha madaarka lagu qabtay shir looga hadlayay howlaha gacanta lagu hayo iyo sidii looga dhigi lahaa mid caalami ah oo la jaanqaadi kara kuwa dunida hormaray laga isticmaalo.

Shirkaas ayaa u dhaxeeyay, wasaaradda duulista hawada Puntland, madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Farole, maamulka degmada Garowe, ganacsato iyo shirkadda Turkiga laga leeyahay ee dhismaha Garoonka gacanta ku haysa.

Mudadii uu kulankaas socday, waxaana xubnahaas shirkadda usoo bandhigeen baahida loo qabo in madaarka laga dhigo mid caalami ah oo habeen iyo maalin la isticmaali karo, taasoo aysan ku jirin deeqda ay bixisay dowladda Kuwiat.

Xubnaha dowladda, siyaasiyiinta iyo ganacsatada isugu jiray ay soo jeediyeen, ayaa mas'uuliyiinta mashruucan sheegeen inay tahay tallaabo loo baahanyahay oo iminka ay fududahay in la qabto, maadama tuubooyin iyo jeexdin lagu samaynayo wadada diyaaraduhu ku ordaan.

Madaxa Mashruucan, ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha lagu gaari karo in garoonka ilays lagu xiro, wuxuuna xusay inay fududahay hadda in shaqada socota lagu daro ka hor intaan la dhammaystirin si looga baaqsado in dib loo bur-buriyo garoonka marka ilayska lagu xirayo mustaqbalka.

Intaas kadib ayaa xubnaha shirkadda la shiray sheegeen in loo baahanyahay tasiilaad dheeri ah sida in la helo, guriga Martida, waddooyin, Layrar, barkino iyo goobo dadku ku nastaan, waxaana tallaabadaas la xusay inay ku baxayso kharash ku dhow hal Malyan oo doollarka Maraykanka ah.

Mas'uuliyiinta kasoctay dowladda iyo ganacsatada, ayaa isla qaatay in loo baahanyahay cududa shacabka iyo inay door muhiim ah ku yeeshaan dhismaha madaarka Garowe.

Waxaa loo ballamay in la isugu yimaado shir-weyne looga hadlayo tallaabadan oo lagu qaban doono caasumadda Puntland, si looga miro dhaliyo hiigsiga garoonka diyaaradaha Garowe looga dhigayo mid caalami ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM