​Kulan looga hadlay dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wajiga koowaad dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe, ayaa maraya heer gabo gabo ah, waxaana hadda shaqadu ka socota wadada diyaaraduhu ku ordaan [Run way], waxaana maanta gudaha madaarka lagu qabtay shir looga hadlayay howlaha gacanta lagu hayo iyo sidii looga dhigi lahaa mid caalami ah oo la jaanqaadi kara kuwa dunida hormaray laga isticmaalo.

Shirkaas ayaa u dhaxeeyay, wasaaradda duulista hawada Puntland, madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Farole, maamulka degmada Garowe, ganacsato iyo shirkadda Turkiga laga leeyahay ee dhismaha Garoonka gacanta ku haysa.

Mudadii uu kulankaas socday, waxaana xubnahaas shirkadda usoo bandhigeen baahida loo qabo in madaarka laga dhigo mid caalami ah oo habeen iyo maalin la isticmaali karo, taasoo aysan ku jirin deeqda ay bixisay dowladda Kuwiat.

Xubnaha dowladda, siyaasiyiinta iyo ganacsatada isugu jiray ay soo jeediyeen, ayaa mas'uuliyiinta mashruucan sheegeen inay tahay tallaabo loo baahanyahay oo iminka ay fududahay in la qabto, maadama tuubooyin iyo jeexdin lagu samaynayo wadada diyaaraduhu ku ordaan.

Madaxa Mashruucan, ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha lagu gaari karo in garoonka ilays lagu xiro, wuxuuna xusay inay fududahay hadda in shaqada socota lagu daro ka hor intaan la dhammaystirin si looga baaqsado in dib loo bur-buriyo garoonka marka ilayska lagu xirayo mustaqbalka.

Intaas kadib ayaa xubnaha shirkadda la shiray sheegeen in loo baahanyahay tasiilaad dheeri ah sida in la helo, guriga Martida, waddooyin, Layrar, barkino iyo goobo dadku ku nastaan, waxaana tallaabadaas la xusay inay ku baxayso kharash ku dhow hal Malyan oo doollarka Maraykanka ah.

Mas'uuliyiinta kasoctay dowladda iyo ganacsatada, ayaa isla qaatay in loo baahanyahay cududa shacabka iyo inay door muhiim ah ku yeeshaan dhismaha madaarka Garowe.

Waxaa loo ballamay in la isugu yimaado shir-weyne looga hadlayo tallaabadan oo lagu qaban doono caasumadda Puntland, si looga miro dhaliyo hiigsiga garoonka diyaaradaha Garowe looga dhigayo mid caalami ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM