Kulan looga hadlayey tacadiyada dumarka loo geysto oo Garowe ka dhacay

Image
Image
Image

November 11, 2014 (GO)- Xarunta Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Bulshada  Puntland waxaa maanta  lagu qabtay kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowlada iyo xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana looga hadlayey sidii looga hortegi lahaa loona yareyn lahaa taciyada ka dhanka ah dumarka sida: kufsiga, jir-dilka iyo gudniinka fircooniga ah.

Faarax Cismaan Saciid oo ah Madaxa Hay’ada GRT ee Garowe ayaa ka qeyb galayaasha shirkan iyo bahda warbaahinta usoo bandhigay natiijada xog ururin lagu sameeyey kiisaskii ugu dambeeyey tacadiyada jinsiga la xiriira ee ka dhaca Puntland.

Wasiirada Haweenka Aniso Xaaji Muumin oo iyaduna munaasabadaas ka hadashay ayaa xustay in wasaaraddui si joogto ah bulshada uga wacyigeliso arintan, si hoos loogu dhigo heerka tacadiyada dumarka lagula kacaa gaarsiisan yihiin.

Cabdiqani Faarax Maxamed oo ka socday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Puntland  ayaa sheegay in maalin walba maxkamadaha la horkeeno dacwado khuseeya kufsiga, isagoo intaas raaciyey in dumarka dhibaneyaasha ahi xuquuqdooda helin arintaasna qayb weyn ka yihiin  guurtida dhaqanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyntii qaar kamid ah ka qayb gelayaasha kulanka ayaa soo bandhigay kiisas kufsi ku saleysan ee dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay ka dhacay degaano ka tirsan Puntland iyagoo intaas raaciyey in kulamada caynkan oo kale ahi muhiim yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM