Kulan looga hadlayo Mushaharka Ciidamadii qabsadey Barlamanka Puntland oo Garowe ka dhacey

Image

GAROWE, Puntland- Kulan looga hadlayo cabashada ciidamadii qabsadey Barlamanka Puntland ayaa ka dhacey maalintii shaley Feb 27, 2017 gurriga magalaada Garowe uu ka dagan yahay Islaan Ciise Islan Maxamad.

Kulnakaan oo ay kasoo qayb galeen xildhibaano ka tirsan guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland , Gudoonka Barlamanka Puntland, wasiirka caafimaadka Puntland, agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee Puntland, duqa degmada Garowe iyo sarakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland  ayaa lagu dhageystey cabasho ay soo jeediyeen ciidamadaan.

Saraakiisha ciidamadaan ayaa sheegey in muddo sanad ku dhowaad ah mushar ka maqan yahay halka daryeelka ciidamada iyo dayactirka qalabka noqdey mid dowlada madaxweyne Gaas iska ilowdey.

Wararka aan ka heley kulankaan ayaa sheegaya in gudoonka Barlamanka oo dacwadaan soo jeedinteeda ku wajahneyd ka gilgisheen wax ka qabashadeeda balse markii dambe lagu dhameeyey in saraakiisha ciidanka soo gudbiyaan qoraal cadeynaya mushaharaadka ka maqan.

Barlamanka Puntland gaar ahaan guddoonka iyo inta badan madaxda guddiyada joogtada ah ayaa la rumeysan yahay iney qayb ka yihiin musuqmaasuqa baahsan iyagoo kula heshiiyey madaxweyne Gaas ineysan kala xisaabtamin xukuumadiisa wax qabad la'aanta curyaamiyey hurumarkii Puntland.

Dhinaca kale kukankaan oo uu goob joog ahaa gudoomiyaha Barlamanka ayaa lagu soo hadalqaadey warar dhowaan uu daabacay warsidaha GO kuwasoo sheegayey in Axmed Cali Xaashi uu tallo ku siiyey Madaxweynaha Puntland In fadhiga xafiiskiisa ula wareego magaalooyinka kale ee Puntland madaama mucaarad badan dagan yahay magaalo madaxda.

Warsidaha Garowe online ayaa fahansan in Duqa degmada Garowe kulankaa ka sheegey in magaalo madaxnimada Garowe tahay mid Dastiuri ah balse siyaasiyiintu xor u tahay in halkey rabaan ku shaqeyn karaan.

Madaxweynaha Puntland oo dhowaan bixiyey wareysi aan ka turjumeyn dhubaatooyinka dhabta ah ee jira ayaa sheegay in dowlada uu madaxda ka yahay shacabka reer Puntland u horseedey hurumar iyo in kor loo qaado dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM