Kulan mar kale dhexmarey madaxweynaha Puntland iyo Galmudug

Image

GALKAIO Dec 3, 2015 (GO)- Kulan deg deg ah oo ay goobjoog ahaayeen Ra'isal wasaraha Somalia iyo guddiyada dhexdhexaadinayey colaada magaalada Galkacayo ayaa waxaa uu galabta dhexmarey madaxweynaha dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug.

Kulankaan ayaa ka dhacey gaari nooca xabada aan karin oo taagan Kontrool ku yaala xaafadda Garsoor halkaasoo maanta dagaal ku dhexmarey labada ciidamada dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug. Ra'isal wasaraha Somalia oo goobjoog ahaa kulankaan  ayaa dalbadey joojin rasmiya laga gaaro dagaalka u dhexeeya labada ciidan. 

Wararka warsidaha Garowe online soo gaaraya ayaa sheegaya in kulankaan dhinaca kale goobjoog ka ahayeen taliye-yaasha ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Lagama hayo tafaasiil kale waxyaalaha lagaga hadley kulankaan iyadoo warsaxafdeedyo galabta kasoo baxey labada maamul midba midkale ku eedeeyey in dagaalkii maanta ka dhacey magaalada Galkacayo uu bilaabey.

Maalintii shaley 2 Dec, 2015 ayey aheyd markii heshiis 4 qodob ka kooban kala saxiixdeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug kaasoo goob joog ka ahayeen Ra'isal wasaaraha Somalia, maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo beesha caalamka.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM