Kulan wadatshi oo weli ka socda Madaxtoyada Puntland

Image

Wararka aanu ka helayno madaxtooyadda Puntland ee Garowe ayaa sheegaya inuu maalinkii labaad galay shir wadatashi ee ka socda madaxtooyadda,kaasoo u dhaxeeya madaxda Puntland.Xildhibaanadda Puntland ugu jira Baarlamaanka DF.

Shirkan ayaa la sheegay inuu noqonayo mid ay kasoo baxayaan go'aamo madaxda Villa Somalia ee DF looga dalbanayo wadashaqeyn iyo in raacaan nidaamka Dastuurka Federaalka ka dalbanyo qaabka loo qaybsanao deeqaha beesha caalamka siiso Somalia, deeqaha waxbarshada iyo arrimo kale oo farabadan kuwaasoo ku kooban magaalo madaxda Muqdishu.

Xildhibaan ka mid ah Barlamanka DF ee Puntland kasoo jeeda ayaa GO u sheegay in lagu wado maalinta barito ah in lasoo saaro warmurtiyeed 11 qodob ka kooban kaasoo lagu cadaynayo aragtida ay Puntland ka qabto siyasadda dowladda Xasan Shiikh Maxamuud.

Shirkan wadatashiga ah ayaa ka danbeeyay ka dib markii madaxwayne Gaas uu xiriirka u jiray 31-dii Julyl 2014 dowladda federaalka ka dib markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis 11 qodob ka kooban oo lagu damacsan yahay in mamul loogu sameeyo Mudug iyo Galgaduud.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa xilka kala wareegtey Madaxweynihii hore ee Puntland xilli xiriirka dowlada Federaalka ah iyo Puntland go'an yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM