Kulanka Deni iyo danjiraha Turkiga oo laga warbixiyey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho, ayaa Isniintii asbuucan waxay yeesheen wadahadalo fogaan arag ah.

Deni oo qoraal kooban kasoo saarey shirkaas kuna faafiyey ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa soo bandhigay fahfaahin ku saabsan ajendaha diiradda lagu saarey wadaxaajoodka.

"Waxaan caawa kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada," ayuu yiri.

Dhankeeda safaaradda Turkiga ee caasimadda Muqdisho ayaa ciwaanadeeda baraha bulshadda waxay ku faafisay qoraal ay ku sharaxdey qodobadda ay isla jeex-jeexeen labadda mas'uul.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan fogaan arag ah la qaadano mudane Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya. Waxaan is-weedaarsanay aragtiyo la xiriira xaaladihii ugu horeeyay ee siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee safaaradda.

Ankara oo taageero hub iyo ciidan u fidisay maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo kuwaasoo haatan u adeegsanayo arrimo siyaasadeed ayaa u muuqda mid kasoo dabcay mowqifkiisa.

Wallow aan la ogeyn ajandaha daaha gedaashiisa ku jira, kulanka safiirka Turkiga iyo Deni ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Yurub laga codsanayo talaabooyin ka dhan ah taageerada Ankara ee Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM