Kulanka golaha Wasiirada Puntland oo looga hadley amniga

Image

GAROWE Jan 2015, 2015 [GO]- Kulankaan oo la qaban jirey maalin walba oo Khamiis ah ayaa maanta la soo hormariyey madaama madaxweynaha dowlada Puntland safar ugu amabaxayo maalinta berri ah Jan 22,2015 magaalada Bosaso. [Akhri safarka madaxweynaha PL]

Shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa maanta looga hadley arrimo la xiriira Kastamka la damacsan yahay in laga furo xadka u dhexeya dowlada Ethiopia iyo Puntland, arrimaha amniga, sharciga Naafada iyo degaanka.

Kastamkaan ayaa waxaa laga dhageystey warbixino Wasiiradii ka qab galey furitaankiisa iyadoo la sheeegey in muhiimad gaar ah u leeyahay hirgalintiisa dowlada Ethiopia iyo Puntland.

Xafaladii Kasmtamkaan lagu furayey oo ay dhinaca Puntland uga qayb galeen Lix Wasiir, Xildhibaano gaaraya Shan, Labo boqol oo ganacsato ah ayaa dhinaca dowlad degaanka Ethiopia waxaa uga soo qayb galey Gudoomiye ku-xigeenka gobola Wardheer , Gudoomiyaha degmada Galaadi iyo saraakiil ka socota ciidanka fadhiya xuduudka.

Furitaanka kastamkaan ayaa waxaa horey u bilaabey shaqadiisa dowladii uu madaxda ka ahaa madaxwaynhii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Faroole isaga oo marayey heer gabo-gabo ah dhamadki sanadkii 2013. [Halkan ka akhriso qoraalkii lagu furayey].

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dhinaca kale kulankaan waqtigiisa laga soo hormariyey kaga hadlay Isbaarooyinka yaala inta u dhexysa magaalada Galkacayo iyo Buurtinle isaga oo digniin u direy maleeshiyaadka dhigta.

Digniinta madaxweynaha ayaa ku soo aadey kadib markii maanta ciidamo ka tirsan Birmadka magaalada Galkacayo weerareen bar Kontrool oo taaley tuulada Abaarey halkaas oo ay ku dileen mid ka tirsan maleshiyaadkii halkaas ku sugna islamarkaas-na ku dhaawaceen labo qof oo kale.

Hoos ka akhriso warsaxafadeedkii kasoo baxey kulanka golaha Wasaiirada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM