Kulankii Kismayo ka socdey oo bur bur qarka u saaran

Image

KISMAYO-Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo saaka ayaa sheegaya in kulankii magaalada Kismayo uga socdey madaxda Somalia qarka u saaran yahay in lagu kala tago.

Kulankaan oo madaxda Somalida uga bilowdey magaalada Kismayo 14 Jan, 2016 ayaa ku bilowdey khilaaf iyo isbaheysi gaar ah oo ay sameyteen madaxda dowlada Federaalka iyo labo maamul goboleed kuwasoo soo jeediyey in nidaamka aqalka hoose ee Barlamanka lagu soo xulayo noqdo 4.5 halka aqalka sare lagu soo xulo iyadoo maamulada jira u aybsanayaan si siman xubnihiisa.

Arinkaan ayaa waxaa ku gacansayrey labada maamul ee Puuntland iyo Jubaland iyadoo xogogaal u soo waramey Garowe Online sheegey in culys lagu saarey madaxweynaaysha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo Axmad Madoobe iney tanaasulaan balse diiden.

Shirka magaalada Kismayo ayaa gabi ahaanba waxaa maqan madaxda beesha caalamka gaar ahaan xafiiska qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Somalia.

Warsidaha Garowe online ayaa idinla soo socodsiin doono arrimaha ku soo kordha kulankaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM