La-taliye sare oo ka warbixiyay safarkii Deni ee Imaaraadka iyo arrimo kale

Image

GAROWE, Puntland - La-taliyaha dhanka amniga ee Madaxweynaha dowladda Puntland, Mudane Maxamed C/raxmaan Faroole ayaa ka warbixiyay safarkii maalmaha qaatey ee uu dhawaan Deni ku tagey dalka Imaaraadka.

Isagoo wareysi siinayay Idaacadda SBS ee fadhigeedu yahay dalka Australia, ayuu Maxamed Faroole kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku xeeran booqashadii Madaxweyne Deni ee Imaaraadka Carabta.

La-taliyaha Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalka Deni uu ku qotomay arrimo ganacsi iyo heshiiska DP World ee maalgashiga Dekadda Boosaaso, kaasoo ay saxiixday 2017 dowladdii Cabdiweli Gaas.

Mar la waydiiyay su’aal ah in Xukuumadda cusub ay wax ka bedel ku sameyn doonto Heshiiska DP World, ayuu Maxamed Faroole ku jawaabey: “Wixii dan ugu jirto Puntland iyo shacabkeeda waa la qaadanayaa, wixii aan dan ugu jirina waa laga saarayaa heshiiska hadii ay ku jiraan”.

Wuxuu intaasi ku daray in labada dhinac markii ay kulmeen la isla qaatey in la dardar geliyo fulinta heshiiska iyadoo mid kasta [Dowladda Puntland iyo DP World] uu ka shaqeynayo sidii uga soo bixi lahaa qodobada ka khuseeya heshiiska Dekadda Boosaaso.

Deni ayaa sidoo kale intii uu joogay Dubai la kulmay madaxda Shirkadda Diyaaradaha ee Flydubai oo kala hadlay sidii ay duulimaad toos ah uga billaabi lahaayeen Puntland, taasina labada dhinac ay isku afgarteen.

- Ma kulmeen Deni iyo Muuse Biixi? -

Maxamed Faroole ayaa beeniyay warar baraha Bulshada lagu faafiyay oo sheegayay in Madaxweyne Deni uu kula kulmay intii uu ku sugnaa Imaaraadka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Warkaas waxba kama jiro, Madaxweyne Deni wuxuu ku sugnaa Dubai … Madaxweynaha Somaliland sida nagu maqaala wuxuu kasoo degay Abu Dhabi, maalintii uu soo degay maalinta ku xigtayna Madaxweyne Deni wuxuu u ambabaxay dalka Kenya … Marka arintaasi waa arin been ah…waxba kama jiraan,” ayuu yiri Maxamed.

- Baaqashada Kulankii DF iyo Maamul Gobleedyada ee Garowe -

La-taliyaha Madaxweyne Deni ayaa sidoo ka hadlay sababta uu dib ugu dhacay Shir uu ku baaqay Farmaajo oo bishii Maarso la filayay in isaga iyo madaxda Maamullada ku yeelan lahaayeen Garowe.

Maxamed ayaa sheegay in baaqashada Shirka aysan jirin sabab cad oo ka dambeysa, balse loo maleynayo in dowladda Federaalka dhankeeda lasoo gudboonaadey caqabado aan la fahfaahin.

Madaxweyne Deni ayaa ka sheegay kulan uu la qaateey Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka in dowladdiisa marti-qaadkii ay fidisay uu wali taagan yahay, oo laga war-sugayay dowladda Soomaaliya.

- Waxqabadka Dowladda Puntland oo boqol-maalmood jirsatay -

Maxamed ayaa xusay in dowladda cusub ee Puntland ay sameynayso dadaallo badan oo ku aadan dib u habeynta ciidamada, kaabiyaasha dhaqaalaha iyo soo celinta amniga iyo xasiloonida Boosaaso, oo ah xarunta Ganacsiga maamulka.

Ugu dambeyn, La-taliyaha amniga Madaxweyne Deni ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wax-qabadka dowladda cusub ee Puntland, taasoo u degsan qorshooyin badan oo lagu gaariinayo Puntland yoolka ay hiigsanayso iyo doorashooyin qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM