Labo beelood oo heshiis ku gaarey magaalada Garowe

Image

November 19, 2014 (GO)- Kulan lagu heshiisiinayey labo beelood oo walaalo ah oo horay ugu dagaalamay gobollada Bari iyo Karkaar ayaa maanta lagu qabtay xarunta Hay'adda Cilmibaarista Puntland PDRC.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Madaxwane ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey, culimaa'uddiin, wasiirro, xildhibaano, nabadoono iyo ergooyin ka socday beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan.

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Camay oo shirka furay ayaa  ugu baaqay labada dhinac inay qaataan hishiiska kana waantoobaan soo noqnoq noqoshada colaadaha ku salaysan deegaanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Axmad Cilmi (Karaash) oo isna kulanka ka hadlay ayaa dawladda ugu baaqay inay xoojiso hirgalitaanka hishiiska ay wada gaareen labada beelood.

Ugu danbayntii waxaa baaq nabadeed iyana soo jeediyay isimadii, culimaa'uddiinkii iyo wax garadkii kulanka kasoo qayb galay iyagoo ku boorriyey labada dhinac in dhibkii horay u dhacay xalay dhaley laga noqdo.

Heshiiskan oo la filayo inuu soo afjaro colaaddaas oo mudo dheer soo jiitameysey waxaa wejigiisii koowaad iyo kii labaad lagu soo qabtay degmooyinka Xumbays iyo Rako.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM