​Labo katirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo Bosaso lagu toogtay

Image

BOSASO, Puntland- Nin ku hubaynaa Bastoolad ayaa abaaro Saaladii Maqrib ka hor magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku toogtay labo kamid ah ciidanka Booliiska Bangiga degmadaas sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal u ahaa dhacdadaas.

Falkan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana isla goobtaas ku geeriyooday mid kamid Askartaas halka kane kalena u dhintey dhaawac culus oo soo gaarey.

Ruuxii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaan goor dambe halkaas soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amniga oo sameeyay baaritaano kala duwan.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas oo kusoo aadaya xilli magaalada Bosaso uu ku suganyahay Madaxweyne Gaas.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Bosaso.

Sannadkii hore waxaa sidaan oo kale goob fagaaro ah loogu dilay saddex sarkaal oo katirsan Booliiska, Madaxtooyada iyo Maxkamadda ciidamada qalabka sida kuwaasoo ilaa hadda dadkii dilay aan lasoo qaban.

Mar madaxweynaha wax laga weydiiyay arrinta Bosaso, wuxuu sheegay inay tahay goob amni ah islamarkaana wuxuu rajo ka muujiyay in gacanta lagusoo dhigi doono dadkii falkaas ka dambeeyay.

Dhacadadan ayaa imaanaysa xilli Madaxweyne Gaas xarunta gobolka u tagay inuu xal ka gaaro nabadgalyada sii xumaanaysa ee Bosaso.

Tuudalada Af-ururshe ayaa waxaa maalintii shaley dagaal xoogan ku dhexmarey ciidamada dowlada Puntland  iyo maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab waxaana ku dhintey 7qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM