​Labo katirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo Bosaso lagu toogtay

Image

BOSASO, Puntland- Nin ku hubaynaa Bastoolad ayaa abaaro Saaladii Maqrib ka hor magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku toogtay labo kamid ah ciidanka Booliiska Bangiga degmadaas sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal u ahaa dhacdadaas.

Falkan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana isla goobtaas ku geeriyooday mid kamid Askartaas halka kane kalena u dhintey dhaawac culus oo soo gaarey.

Ruuxii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaan goor dambe halkaas soo gaaray ciidamo katirsan kuwa amniga oo sameeyay baaritaano kala duwan.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas oo kusoo aadaya xilli magaalada Bosaso uu ku suganyahay Madaxweyne Gaas.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Bosaso.

Sannadkii hore waxaa sidaan oo kale goob fagaaro ah loogu dilay saddex sarkaal oo katirsan Booliiska, Madaxtooyada iyo Maxkamadda ciidamada qalabka sida kuwaasoo ilaa hadda dadkii dilay aan lasoo qaban.

Mar madaxweynaha wax laga weydiiyay arrinta Bosaso, wuxuu sheegay inay tahay goob amni ah islamarkaana wuxuu rajo ka muujiyay in gacanta lagusoo dhigi doono dadkii falkaas ka dambeeyay.

Dhacadadan ayaa imaanaysa xilli Madaxweyne Gaas xarunta gobolka u tagay inuu xal ka gaaro nabadgalyada sii xumaanaysa ee Bosaso.

Tuudalada Af-ururshe ayaa waxaa maalintii shaley dagaal xoogan ku dhexmarey ciidamada dowlada Puntland  iyo maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab waxaana ku dhintey 7qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM