Lacago Faalso ah oo lagu arkey suuqayada Puntland [Dhageyso]

Image

09 August, 2015 (GO)- Wasiirka maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed oo gaaray dagmadda Qardho ee gobolka Kar-kaar ayaa saxaafada u sheegay in lacago been abuur ah oo ka yimid Koonfurta Somalia lago arkey goobo ka tirsan Puntland isagoo xusey  in gudii baaris ku sameeya u saarey. 

"Waxaa loo xil saaray hay'ado kala duwan kuwasoo dagmo walba iyo gobol walba jooga, lacagtaasi waa ay jirtaa, Koonfur ayayna ka soo gashay raad keedana waa lagu joogaa, kuwana hadda ayaa la qabtay" ayuu yiri wasiirku.

Horaantii todobaadkan magaalada Gaalkacyo lagu soo bandhigay lacag nooceedu tahay kunka Shilin ee Somaliga iyadoo maamulka Koonfurta Gaalkacyo saxaafada u soo bandhigay. Maamulkaan ayaan sheegin halka lacagtaan uga timid iyo cida lagu tuhmayo.

Dowlada Puntland ayaa sida la rumeysan yahay makiinad lagu sameeyo lacagta keentey magaalada Bosaso iyadoo dhisme uga sameysey xarunta Bangiga magaalada Bosaso.

Mashruuca lacagtaan Shilin Somaliga lagu sameyn lahaa oo ay shiraako ku yihiin dowlada Puntland iyo ganacsato saldhigoodu yahay magaalada Bosaso ayaa waxaa ka horyimid caqabado dhinaca farsamada ah halka ay jirto diidmo ka timid dhinaca shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM