Lacagta ku baxeysa dib-u-dhiska wadada isku xirta Garowe-Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay maalgelineyso mashruuca dib u dhiska wadada isku xirta Boosaaso-Garoowe.

Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqday in howsha dayactirka ay bilaabaneyso bisha soo aadan ee October.

Xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in xukuumadda Abu Dubai ay mashruucaas ku bixin doonto aduun lacageed dhan 2-milyan oo Doollar.

"…Dowladda China ayaa iyana ka qeyb qaadanaysa howsha dib u dhiska," ayuu yiri sarkaal sarre oo ka tirsan Madaxtooyadda oo u waramay Garowe Online.

Talaadadii, 24-ka September 2019-ka, ayay ahayd markii Imaaraadka la wareegay howlaha balaarinta garoonka diyaaraddaha magaala xeebeedka Boosaaso.

Mashruucaasi oo aanan la shaacin lacagta ku baxeysa iyo goorta la bilaabayo ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijyadda horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Imaaraadka ayaa haatan wuxuu maamulaa dekadda ku taala xarunta ganacsiga Puntland, taasi oo kamid ah kuwa ugu shaqooyinka fiican Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM