Lammaane Xafladda Guurkooda ku taageeray dadka abaaruhu saameeyeen

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Liibaan Jaamac iyo Caa’sha Cabdisalaam, waxaa Lammaane xafladdooda Arooska ku qabsaday magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, kuwasoo u dhigay nidaam ka duwan sida Somalidu dhaqanka u leedahay.

Labadan ruux ee nolosha wadaagay, ayaa door biday in kharasha guurkooda iyo cuntooyinka la bixiyo u weeciyaan inay ku taageeraan dadka abaartu saamaysay ee ku sugan gobolka Mudug, kuwaasoo ay haysato xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

Liibaan oo la hadlay Radio Garowe, ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka ku kalifay arrintan, wuxuuna sheegay inay u damqadeen bulshadooda islamarkaana la qaybsanayaan dhibka.

Wuxuu xusay in isaga iyo marwadiisa ay yihiin dad ka shaqeeya arrimaha bini aadanimada arrintana ay u sameeyeen si dhalinyaro badan oo ku haminaysa inay qoys dhistaan ay caawiyaan dadkooda abaartu ku dhufatay.

Caruuska ayaa xusay in guurkoodu kusoo aaday waqti adag, balse ay isku waafaqeen inay tusaale fiican u noqdaan dadka ku xiga dhanka aqal galka, isagoo ku booriyay inay bixiyaan wax kasta oo ay u awoodaan.

Inkastoo uu cudur daar ka baxshay inaysan kaafin karin deeqda ay gaarsiiyeen dadkaas, hadana wuxuu Liibaan ku macneeyay tallaabada ay qaateen dareen damqasho iyo inay jirto xaalad aan indhaha laga qarsan kari.

Wuxuu bogaadiyay dadaallada gurmadka ah ee ka socda Somalia, kuwaasoo ay wadaan sama-falayaal iyo dhalinyaro kala duwan.

Guurkan lammaanahan oo dhacay Khamiistii ayaa aad looga hadal hayay baraha bulshada, waxaana jiray fariimo kala duwan oo loo diray Caruuska iyo Caruusadda sida Liibaan uu sheegay, waxayna bulshadu ku bogaadiyeen go’aanka ay qaateen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM