Lugatoor oo soo xiray tartan loo qabtey Dugsiyadda ku yaalla Puntland

Image
Tartanka oo u dhexeeyey Dugsiyada Sare ee Boosaaso Public iyo Maxamed Cawaale Liibaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa soo xidhay Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee sanadka 2024 oo soo geba-geboobay.

Tartanka oo u dhexeeyey Dugsiyada Sare ee Boosaaso Public iyo Maxamed Cawaale Liibaan oo labaduba ku yaala magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxa ku guulestay Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u hambalyeeyey Dugsiga Sare ee Maxamed Cawaale Liibaan oo galay kaalinta 1-aad, isaga oo sidoo kale bogaadiyey Dugsiga Sare ee Boosaaso Public oo galay kaalinta 2-aad iyo Dugsiga Sare ee Xasbahalle oo galay kaalinta 3-aad iyo dhammaan Dugsiyadii kale ee ka qayb qaatay Tartanka inta uu socday oo tiradoodu dhamayd 32 Dugsi Sare.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada, Idaacada Daljir, Guddiga Tartanka iyo dhammaan xarumaha iyo Dugsiyada Sare ee ka qayb qaatay qabsoomida tartanka.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada Fu’aad Abshir Axmed, Wasiirka Warfaaafinta Maxamuud Caydiid Dirir, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, xarumaha Barnaamijka taageerayey, Wakiilo ka kala socday Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare iyo masuuliyiin kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM