Maalinta cudurka AIDS-ka oo Garowe laga xusay

Image
Image
Image

December 1, 2014 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa caasimadda Puntland ee garowe waxa uu maanta uga qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayo maalinta AIDS-ka dunida.

Camey oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhoweeyey xuska maalinta AIDS-ka isagoo mahad ballaaran u jeediyey  hay’adda PAC ee Puntland u qaabilsan la socoshada heerarka u marayo cudurkaasi  iyo weliba xakameyntiisa. 

Wuxuu ku dhiiri geliyey maamulka iyo shaqaalaha hay'adda inay sii dardar geliyaan shaqada culus ee ay u hayaan dadka iyo dowladda Putland gaar ahaan daryeelka ay u hayso bulshada Puntland siiba dadka cudurkaasi la nool.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay bulshada in faquuqa iyo takoorka laga daayo dadka cudurka  la nool wuxuuna ku dhiiri geliyey bulshada inay u diyaar garowdo markasta la noolaasnshaha dadka cudurkaas qaba.

December 1, ayaa ah maalinta caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u asteysey in la xuso halista AIDS-ka, sidii dunida looga dabargoyn lahaa cudurkaas iyo weliba sidii loo taageeri malaayiinka qof ee cudurkaas la nool kuna kala firiqsan dunida dacaladeeda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM