Maalinta haweenka dunida oo Puntland laga xusey

Image
Image
Image
Image
Image

March 8, 2015 (GO)- Xaflado lagu maamuusayo March 8 oo ah maalinta caalamiga ah ee haweenka ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Xaflad lagu qabtey hoolka shirarka Jaamacadda PSU ee Garowe oo lagu maamuusayey maalintan, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo Madaxweyne Gaas kamid yahay, xubno metelayey hay'adaha dhanka arrimaha haweenka dowladda kala shaqeeya iyo weliba qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha ururada haweenka ee Puntland.

Arimihii ugu mihiimsanaa ee munaasabaddaas lagu soo hadal qaadey waxaa kamid ah sidii loo yareyn lahaa tacadiyada haweenku la kulmaan, loo kobcin lahaa aqoonta dumarka loona dhiirri gelin lahaa ka qayb galka dumarka ee dhanka siyaasadda iyo go'aan qaadashada arrimaha masiiriga ah.

Wasiirka Haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Muumin oo khudbad ka jeedisey goobta ayaa sheegtay in wasaaraddu ku hawlan tahay diyaarinta xeerka sinnaanta lamaanaha, xeerkaasoo sida ay tilmaantey dhowaan goleyaasha wasiirrada iyo barlamanka loo gudbin doono.

Madaxweyne Gaas oo isna si kooban u hadlayey ayaa hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay ka go'an tahay horumarinta dumarka maadaama ay udub dhexaad u yihiin bulshada.

Magaalooyinka kale ee xafladaha maalintan la xiriira lagu qabtey waxaa kamid ah Bosaso, Galkacao, Qardho iyo Badhan.

March 8 ayaa ah maalinta caalamiga ah ee Qarmada Midoobey u asteysey haweenka dunida. Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in la muujiyo doorka haweenku kaga jiraan bulshada iyo weliba dhibaatooyinka dhanka nolosha kasoo wajaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM