​Maalinta Haweenka oo la xusay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe iyo goobo kale oo kamid ah gobollada Puntland laga xusay maalinta caalimaga ah ee Haweenka Adduunka, iyadoo lagu soo bandhigay guulihii ugu dambeeyay ee dumarku ka sameeyeen siyaasadda, hormarka iyo caqabadaha hor yaalla.

Xaflado kala duwan oo ka dhacay hoolka Barlamanka, Xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC iyo Jaamacadda PSU, waxaa dhammaantood lagu maamuusay maalintaas, waxaana ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camay, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka wasaradda haweenka Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, ayaa ku baaqday in dumarku ka shaqeeyaan hormarka dalka Somalia iyadoo soo jeedisay in laga fogaado waxyaabaha khilaafka dhalin kara, waxaana taasi muujinaysay muranka ka dhex aloosan wasaaradda iyo ururka Haweenka Puntland oo dabaal daggan ku qabsaday xarunta jaamacadda PSU.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhinaciisa si sarbeeban arrintaasi uga hadlay, ayaa ku baaqay in la isku duubnaado, taasina tahay wadiiqada kaliyaha ee hormar lagu gaari karo, wuxuuna hambalyo u diray dhammaan haweenka Somaliyeed.

Xusas kuwan lamid ah ayaa sidoo kale lagu qabtay gobollada kale ee dalka Somalia.

Maalintan caalamiga ah ee haweenka adduunka, ayaa horay loo oran jiray maalinta haweenka shaqeeya, waxaana loo dabaal dagaa sannad kasta 08 bisha Maarso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM