Maalinta Macallinka Somaliyeed oo la xusay [Dhagayso]

Image

21 November, 2015(GO)-Waxaa maanta Somalia laga maamuusay maalinta macallinka Somaliyeed oo la aqoonsaday in la xuso sannadkii 1974-tii.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw-Yuusuf Ciise, ayaa tilmaamay inay tixgalin u hayaan macallimiinta oo tilmaamay in har iyo habeen u taaganyihiin sidii dadka jahliga looga saari lahaa.

Abshir Aw-Yusuf oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sidoo kale hambalyo u diray macallimiinta meela kasta oo ay joogaan wuxuuna u rajeeyay hormar.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somailia Khadra Bashiir Cali, oo la hadashay Warbaahinta dowladda Somalia, ayaa tilmaamay in maanta oo kale ay Ummadda Somaliyeed u tahay maalinta ku weyn, maadaama la xusayo maalinta Macalika Soomaaliyeed.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta Somaliyeed meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay maanta ku beegantahay maalinta macalinka Somaliyeed ee 21-November, waxaana u rajeynayaa in sanadkan kiisa kale ku gaaraan horumar, runtii bisha October waxaa jirta maalinta macalinta adduunka, balse anagu waxaan ka doorbidnay in aan maanta oo kale xusno oo ah maalinta macalinka Soomaaliyeed ” Ayay tiri Wasiir Khadra.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdi dhexe ee Somalia, macallimiinta yaa ku shaqeeya duruufo adag iyo dhaqaalo xumo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM