Maalinta Saxaafadda oo Garowe laga xusay

Image

GAROWE, Puntland- Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xorriyada Saxaafada aduunka ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Waxaana Kasoo Qayb Galay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Puntland, Xubno Katirsan Golayaasha Dowladda, Wariyayaal Iskugu jiray Rag iyo dumar Iyo Marti Sharaf Kale.

Guddoomiyaha ururka Saxaafadda Puntland ee MAP,  Faysal Khaliif Barre oo ka hadlayay xuska maalintan ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda maalintan ay u leedahay saxaafadda, wuxuuna ku dhiirigaliyay inay ka shaqeeyaan maslaxadda dalka iyo dadka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland  Sheekh Aduun, ayaa ballan qaaday inaan wariye dambe si sharci darro ah loogu xeri doonin deegaanada Puntland, xilli uu ka hadlyay tacadiyadda ka dhanka ah saxaafadda ee ay la kulmaan wariyaashu.

Dhinaca kale qaybo kamid ah Somalia ayaa maanta laga xusay 03 May oo ah maalinta loo asteeyay xorriyada Saxaafadda.

Somalia ayaa ka mid ah meelah ugu halista badan ee ay Wariyaashau ka shaqeeyaan, waxaana Qaramada Midoobey sheegtay in Sanadkaan Wariyaal ku sugan Somalia la kulmaan dil, xarig, Jirdil iyo Hanjabaad.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Saxaafadda ayaa maanta oo kale waxay soo saaraan Warbixino kala duwan oo ay kaga hadlaayaan Tacadiyadda iyo dhibaatooyinka loo geysto Wariyeyaasha.

Maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka ayaa lagu iclaamiyay shir ay hay’adda UNESCO ku qabatay magaalada Windhoek ee dalka Namibia sanadku marku ahaa 1991-dii.

Wixii waqtigaas ka dambeeyay ayaa loo aqoonsaday 3da May inay tahay maalin u gooni ah saxaafadda oo laga sheekeeyo arrimahooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM