Maamul cusub oo loo dhisay degmada Jarriiban [DHEGEYSO]

Image

July 11, 2014 (GO)- Guddoomiyaha Cusub ee degmada Jariiban Maxamed Yuusuf Shire oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono khilaafka soo noq noqdey ee ka dhasha maamulka degmada.

KHilaaf kasta oo yimaada wuxuu sheegay in lagu dhamayn doono wada-tashi ballaran oo dhamaman qaybaha bulshadu ka qayb geli doonaan.

Dhanka kale, Maxamed Yuusuf ayaa xusay in waxa ugu horreeya ee uu qabanayo yahay isku-xirka bulshada iyo xoojinta nabadgalyada.

Ugu dambeyntii wuxuu tilmaamay in dhowaan cashuur ururin laga bilaabi doono 53 tuulo oo degmada hoos yimaada si loo hir geliyo adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Maxamed Yuusuf Shire ayaa kusoo baxay cod aqlabiyad leh kadib doorasho labo maalmood kahor ka dhacday degmada Jariiban.

Madaxweynaha Punltand Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa muddadii sanad iyo barka ahayd ee uu xilka hayey wuxuu kala direy goleyaal deegaan oo toban kor u dhaafaya.

Magaalooyinka maamulladii horey uga jirey lakala direy waxaa kamid ah: Garowe, Bosaso, Galkacayo, Jariiban, Isku-shuban, Qandala, Dhahar iyo Baargaal.

Waxaa xusid mudan in badi guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinku yihiin kuwo xulafo dhow la ah Madaxweyne Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM